Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqa Gaalkacyo oo amray in boorarka xayeysiinta Af-Soomaali lagu qoro

Recommended Posts

Deeq A.   
nabadoon_yaasiin-cabdisamad.jpg?resize=6Duqa Gaalkacyo Yaasiin Cabdisamad

Duqa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, Yaasiin Cabdisamad Cumar ayaa ku amray dhammaan goobaha ganacsiga, waxbarashada iyo xarumaha kale ee magaalada, in Af-soomaaliga ay u isticmaalan xayeysiinta boorarkooda.

Qoraal wargelin ah ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha, ayaa lagu amray goobaha kala duwan ee ganacsiga, waxbarashada iyo xarumaha kaleba, in Af-soomaaliga lagu daro tabbeelayaasha xayeysiinta xarumaha iyo cinwaanadooda.

Si looga hor-tago in uu dabar-go’ afkeenna hooyo ee Soomaaliga, waxaa lagu wargalinayaa dhammaan ganacsatada, goobaha waxbarashada iyo cid kasta oo albaab u furanyahay, in af-soomaaliga lagu daro tabbeelayaasha xayaysiinta ee goobtu leedahay, lana siiyo muhiimada kowaad ee cinwaanka goobta” ayaa lagu yiri qoraalka. FB_IMG_1549367794844.jpg?resize=720%2C99

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Duqa Gaalkacyo oo amray in boorarka xayeysiinta Af-Soomaali lagu qoro appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this