Deeq A. Posted February 5, 2019 Madaxweynaha Puntland Siciid Deni Dowladda Puntland ayaa hakisay, in lala kulmo madaxweynaha cusub, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni). Qoraal ka soo baxay xafiiska agaasimaha guud ee madaxtooyada Puntland, Cabdinaasir Biixi Soofe oo lagu socod-siiyay dhammaan golayaasha dowladda, ayaa lagu sheegay in la hakiyay, ballamihii iyo qaabilaadii madaxweynaha ilaa iyo amar dambe. Go’aankan ayaa sida qoraalka ku xusan loo qaatay duruufo jira awgood, balse faahfaahin lagama bixin arrimaha keenay,duruufaha haysta madaxweynaha. Dhinaca kale, wararka laga helayo madaxtooyada Puntland, ayaa sheegaya in mudane Deni uu diyaarsaday golihiisa xukuumadda cusub, islamarkaana ku dhawaaqi doono maalmaha u dambeeya todobaadkan. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Puntland: madaxweynaha cusub oo hakiyay in lala kulmo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites