Sign in to follow this  
Deeq A.

Abaanduulihii 12-ka April oo qarax lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in Qarax miino uu ku geeriyooday Korneel Cabdisalaan Aadan Kurjow oo ahaa Abaanduulihii Qeybta 12-ka April ee Milateriga Dowladda Soomaaliya.

Sida ay inoo xaqiijiyeen Saraakiil ka Tirsan Dowladda Soomaaliya, qarax Miino oo dhulka lagu aasay ayaa haleelay gaari uu la socday oo marayay degaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeelaha Hoos.

Waxaa la xaqiijiyay in sidoo kale ay qaraxa ku dhinteen Saraakiil kale oo ka tirsanaa Ciiidamadda Dowladda Soomaaliya.

Ala Ha U Naxariistee C/Salaan ayaa xilkaan ka beddelay Jeneraal Cabdi Cali Jamaame oo isaguna qarax miino ku dhintay lixdii December sanadkii la soo dhaafa.

Puntland Post 

The post Abaanduulihii 12-ka April oo qarax lagu dilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this