Sign in to follow this  
Deeq A.

Laba taliye oo sare oo laga dilay ciidamada xoogga

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka (Caasimada Online) –Waxaa maanta degaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay laba korneyl oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaliya.

Labada korneyl, ayaa ayaa kala ahaa korneyl Cabdisalaan Sheekh Aaden oo ahaa abandulaha qaybta 12-ka Abril iyo Korneyl Cabdiraxmaan Jimcaale Muuse Kurjow oo ahaa madaxa maamulka lacagta Guutada 1-aad.

Cabdi Salaan ayaa xilkan ka beddelay Jeneraal Jamaame oo isaguna qarax miino ku dhintay lixdii December ee sanadkii la soo dhaafay ee 2018.

Jeneraal Jamaame waxaa weerarkaas kula dhintay Jeneraal Cumar Dheere oo ahaa taliyaha guutada 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Gaashaanlle sare Cabdi Salaan Aadan Kurjow ayaa xilkan loo magacaabay 26-kii Bishii December 20 maalmood kaddib geerida abaanduulahii uu isaga beddelay ee Jeneraal Jamaame lagu magacaabayay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay dilkan, inkasta oo loo badinayo kooxda Al-Shabaab oo gobolka ku xooggan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this