Sign in to follow this  
Deeq A.

Jaaliyada Soomaaliyeed Ee Dalka Sweden Ayaa Bogaadiyay Wafdigii Kooxda Som United Ee Sanadkii Tagay 2018 Caasimada Muqdisho U Imadaay Ciyaaraha Saaxiibtnimo Iyo Is-dhaxgalka Bulshada

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulanka waxa uu ahaa mid ay soo agaasimeeyn maamulka kooxda Som United kaas oo u jeedkiisa  ahaa safarkii ay Som United intii u dhaxeesay 18-30 December 2018 ay ku qaateen caasimada Muqdisho wuxuuna u jeedka socdaalkaas ahaa ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho in dhalinyarada ku koray qurbaha la baro dhaqanka dalkooda iyo dadkooda.

Sequence-06.00_07_33_03.Still004-300x225

Bashiir Cilmi Maxamed (Bashiir Jeenyo) oo ka mid ahaa ciyaartooydii usoo ciyaartay kooxda Jeenyo iyo xulka qaranka ahaana madaxii wafdiga safarka kooxda Som United ayaa u mahad celiyay cid walbo oo kaalin ka qaadatay socdaalkii kowaad ay ku  imaadeen caasimada Muqdisho,isagoo  intaa ku daray in iminka uu socdo abaabulka iyo diyaar garowka safarkoodii labaad ee Soomaaliya.

13226753_1032409680182438_79101882707116

 “Waan ku faraxsanahay kulanka qiimaha badan waan u mahad celinayaan maamulka kooxda Som United iyo intii nasiibka u yeelatay in ay soo arkaan xaalada wadanka iyo halka uu marayo aniga qodhayda socdaalkaas waxa ku jiray wiilkayga marka hore waan ka wal walsanaa bixintaankiisa,balse iminka rajada waa 100% qof walba wuxuu ku haminayaa in soo aado Soomaaliya” waxaa sidaas sheegay Ismaaciil Cabdi Ciise oo ah abaaha dhalay weeraryahka Som United Cabdiqafaar.

51662361_825299737814380_854058281931374

Kooxda Som United kaliya caasimada Muqdisho kuma dheelin kulamo saaxiibtinimo  ee loo qorsheeyay waxa ay dalxiisa iyo waqti wanaagsan ku qaateen xeebta Liido ee degmada Cabdi Casiis,iyagoo nasiib u yeeshay in ay la kulmaan raysal wasaare Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo qaar ka mid ah wasiirada iyo xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka.

48422901_2305223306375457_65497838174045

Xiirey Axmed Rooble oo xubin ka ah gudiga madax banaan iyo xaduudaha dowladda qeybna ka ah qurbajoogta reer Sweden ee dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay safarkii kooxda Som United ee caasimada Muqdisho uu xambarsanaa ujoodeeyin kala duwan loona baahanyahay jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool Sweden in ay kaalin wanaagsan ka qaataan horomarka iyo heegsiga ay maamulka,macalimiinta iyo ciyaartooyda kooxda ku Som United ee ka dheela horyaalka heerka 4aad.

51086945_1486166571514124_92551122403092

Dhamaadka sanadkii lasoo dhaafay 2018 wafdiga kooxda Som United ayaa inta aysan ka duulan garoonka aadan cadde ee magaalada Muqdisho waxa aan kulmay qaar ka mid ciyaartooyda iyo wafdiga waxa aan wax ka waydiiyay sida uu ahaa safarakoodii  kowaad ee Somaaliya iyo waxylaaha u qorsheen sanadaha soo aadan.

0T8A2069-300x169.jpg

Sanadkii lasoo dhaafay waxaa dalka ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho u imaaday kooxa ka kala socday jaaliyadaha  Soomaaliyeed ee dagan dalalka Bratian,Sweden iyo Australia waxayna arntan dhiiri gelin u noqtay xifadlaayasha ka ciyaara gudaha dalka.

Sequence-06.00_06_13_19.Still005-300x225

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Kooxda Som United Iyo Jaaliyada Sweden

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this