Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyihii ciidanka Somaliland ee bariga Sanaag oo Puntland u goostay

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyihii ciidanka Somaliland ee bariga gobolka Sanaag, G/sare Caydiid Axmed Nuur iyo ciidan tekniko wata oo uu hoggaaminayo, kana soo goostay Somaliland, ayaa xalay Saqdii dhexe gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Gaashaanle sare caydiid ayaa horay mar soo noqday Taliyihii ciidanka Booliska Puntland  ee gobolka Bari, hase yeeshee wuxuu ka goostay sannadkii 2006-dii, kadib markii ay madaxweynihii hore ee puntland Gen Cadde Muuse Xirsi isku’ khilaafeen habka loo wajahayo malayshiya-beeleed isku’ uruursaday buuraleyda Majayahan ee gobolka Sanaag.

Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa marar badan u kala goosta maamulada Puntland iyo Somaliland oo ku muransan gacan ku haynta goboladaas.

PUNTLAND POST

The post Taliyihii ciidanka Somaliland ee bariga Sanaag oo Puntland u goostay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this