Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Somaliland iyo askartiisa oo isku dhiibay Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Qardho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Qardho ayaa sheegaya in halkaasi lagu soo dhaweeyay taliyihii ciidamada Somaliland ee Bariga Sanaag oo isku dhiibay ciidamada Puntland.

Caydiid Axmed Nuur taliyaha ciidamada Somaliland ee Bariga Sanaag ayaa isku dhiibay Puntland, waxaana la sheegay inuu isku dhiibay ciidamo ku sugnaa gobolka Sanaag dhanka Puntland maamusho.

Taliyaha iyo ciidamada uu hogaaminayay ayaa la sheegay inay tageen magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay deegaanka.

Saraakiil ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland ayaa si weyn sarkaalkaasi iyo ciidamadiisa ugu soo dhaweeyay magaalada Qardho, waxaana la sheegay in sidoo kale saraakiisha kale ee gobolka kasoo jeeda ay so dhaweynayaan.

Sidoo kale magaalada Qardho waxaa ku sugan korneyl Caarre oo horey uga goostay Somaliland, islamarkaana ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah maamulka Somaliland.

Korneyl Ceydiid Axmed Nuur oo hadda kasoo goostay Somaliland ayaa horey Puntland kaga cararay sanadkii 2006 markii ay is qabteen madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Muuse Xersi.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this