Sign in to follow this  
Deeq A.

Hey’adda NISA hangashtii u ekaa! – Xildhibaan Fiqi oo xog badan bannaanka keenay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa weerar cajiib ah ku qaaday waxyaabaha kulmiya marka Al Shabaab ay weerar ka geystaan magaalada Muqdisho iyo hadalada kasoo baxa NISA oo ku aadan inay burburiyeen xarumo Al Shabaab leeyihiin.

Qoraalkiisa ayaa u qornaa sidan:

Ma ahan markii koowaad oo twitter duulaya looga jawaab-celiyo ama lagu soo aadiyo xilli dhimashada iyo Dhaawac ka dhashay qarax ay Alshabaab sameeyeen umaddu la ooyayso, kaasoo u muuqata in lagu daboolayo dayacaadda iyo fashilka mas’uuliyaddii ka saarnayd in ay umadda ay ka ilaaliyaan dilalka iyo qaraxyada dhiig-yacabka Alshabaab.

Waxaa wax la yaabo ah oo in la isweeydiiyo u baahan, qarax kasta oo dhaca waxaa la aasaa tobonaan dadkii haldoorka ah ee bulshada ku jiray ama dad saraakiil iyo shaqaale dawladeed ah, mana jirto cid loo xisaabiyo ama loo soo istaajiyo mas’uuliyadda fashilka amniga ee jira, laxad moodaa in alshabaabku fasax (ruqsad u heystaan) dilka dadka, waayo isla xisaabtan ma jiro, xataa tacsiyayntii madaxda dawladdu waa ay gabeen.

Yaa umadda u fasiri kara sida ay ku soo gaari karaan ubucda meel aysan u fududeyn dadka caadiga ah in ay soo gaaraan sida goobtii shalay qaraxu ka dhacay ama kii ka horeeyey ee afaafka hore ee tiyaatarka ka dhacay, maxaase looga maqli la’yahay cidda amniga ka mas’uulka ah qorshayaal dadka aminigooda lagu sugaayo waa kuwa maalin walba idaacadaha la soo taagan hub ayaan aruurinaynaa! Ma Alshabaab ayaa dadka loo gacma-qabanayaa, maxaase alshabaab hubka iyo qaraxyada looga qaadi la’yahay. Ay dadka ku laayaan?

Waxaa dhanka kale caado noqotay, in aan aragno fariimo hey’addii sirdoonka dalka u qaabilsanayd (NISA) ay twitter-kooda soo dhigaan mar kasta oo qarax ama dil uu dhaco kuwaasoo ay ku sheeganayaan guulo ah in canaasir aan la garanayn oo aan la soo bandhigaynin oo alshabaab ah gacanta lagu soo dhigay, ama weeraro laga geystay Goobo ay alshabaab ku sugnayd, kuwaasoo u badan in lagu daboolayo fashilkooda ama lagu marin-habaabinayo umadda, haddii waxa ay soo qorayaan ay run yihiin maxey umadda ugu soo bandhigi la’yihiin?.

Si kastaba, hey’adda NISA oo shaqo muhiim ah qaranka u heysay muddo lix bilood ku dhow ma lahan taliye, taliye ku xigeenkeeduna wuxuu ka shaqeeyaa arrimaha siyaasadda inta badan, waxaana shaqadeedii loo bedelay “Shaqadii ay kacaankii u qaban jirtay hey’addii la dhihi jiray HANGASHTA” oo ah mid madaxda dalka, dadka ka aragtida duwan ku hawllan oo aan kooxaha argagixisada wax xil iska saarin.

Gabagabadii, NISA waa in ay taliye yeelataa sida ugu degdegsan, hawsheediina dib loogu soo celiyaa, taliyaal amniga aqoon u lehna loo magacaabaa, ayadoo laga fakarayo amniga umadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this