Sign in to follow this  
Deeq A.

Ninkii Ka Dambeeyay Dilka Maamulihii Shirkadda Dp World Ee Dekedda Boosaaso Oo Xalay Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Boosaaso)-Waxaa xalay cisbitaalka magaalada Boosaaso ku geeriyooday ninkii shalay toogashada ku dilay maamulihii dekedda Boosaaso ee shirkadda P&O Port ee dalkaasi Imaraadka Carabta Paol Farmosa.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Maxamed Ibraahim, da’ahaana lagu qiyaasay 20 jir ayaa la dhigay qaybta xaalada deg dega ah ee cisbitaalka Bosaso, iyadoo qaliin lagaga sameeyay 5 xabadood oo ku dhacay

Ninkii-dilay-FARMOSA-740x555.jpg

”Abaarihii 8: 30 fiidnimo ayay naftu ka baxday, waxaa lagu sameeyay qaliin lagaga saaray xabado kaga dhacay Badhida, Caloosha iyo gacanta, waa lagu dadaalay in la badbaadiyo hase yeeshee waa lagu guul-daraysay” sidaas waxaa u sheegay mid ka mid ah shaqaalaha caafimaadka Cusbitaalka Boosaaso oo magaciisa qariyay.

Muqaal lagu baahiyay baraha bulshada oo laga soo duubay ninkan ayaa muujinayay nin oo ay waraysanayaan saraakiil ka tirsan ciidammada booliska, iyagoo waydiinayay meesha uu ka yimid iyo magaciisa, hase yeeshee xaaladiisa oo aad cuslayd kama uusan jawaabin su’aalihii la waydiinayay.

Ninkan oo ku hubaysaa bastoolada ayaa shalay abaarihii 7:15 wuxuu toogasho ku dilay maamulihii shirkadda P&O port u qaabilsanaa Dekedda Boosaaso, isagoo dhaawacay mid ka mid ah saraakiisha ajnebiga ee ka shaqaynaysay Dekedda Boosaaso iyo laba askari oo ilaalo u ahaa Paol Farmosa.

Ciidammada Ilaalada Dekeda ayaa toogtay ninka dilay Paol Farmosa, waxay kaloo qabqabteen tiro dad ah oo ka mid ahaa shacab doonayay inay wax ka soo iibsadaan suuqa Kalluunka magaaladda Boosaaso.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this