Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waxaa La Joogaa Wakhtigii Wada-hadal Lala Geli Lahaa Al-Shabaab…” Wasiirkii Hore Ee Amniga Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa soo jeediyay in wada-hadal lala furo Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkii shalay ay ku geeriyoodeen dad ku dhow 15 qof.

abdirisaq-cumar.jpg

Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar ayaa sheegay in dagaal oo kaliya aan lagaga adkaan karin Al-Shabaab, kaasoo soo socday in ka badan 10 sano, walina aan dhammaan, wuxuuna taa bedelkeed tallo ahaan u soo jeediyay in miiska wada-hadalka lala fadhiisto dadka ay ka go’do tallada ee Kooxdaasi.

Xiligii uu ahaa Wasiirka amniga Somaliya ayuu sheegay inuu u bilaabmay wadahadal isaga iyo Al-Shabaab, balse markii xilka laga qaaday uu istaagay, wuxuuna tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiirka uu xilka ku wareejiyay ee Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) uu ka dalbaday inay halkeeda ka sii wadaan wada xaajoodka.

“Al-Shabaab waxaan aaminsanahay in lala fariisto inay mudanyihiin in waqtigeeda la gaaray in lala fariisto, waa ogtahay maalin dhaweyd Mareykanka wuxuu la galay qoladii Talibaan uu la dagaalamayay mudo ko dhow 20 sano, Shabaab dad Soomaaliyeed waaye dadka howshaan wada koow in lala fariisto waan qabaa, annaga Wasiirka waqtigii aan ahaa Al-Shabaab wadahadal waa ogolaayeen” ayuu yidhi Cabdirisaaq Cumar.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo Saddex cisho ay ka hadhsan tahay muddada ay u buuxsameyso labada sanno ee ka soo wareegatay xilligii la doortay, ayaa markii uu xilkan u tartamayay baarlamaanka ka hor sheegay inuu laba sanno gudeheed ku soo afjarayo Kooxda Al-Shabaab, taasoo u muuqata mid aan waxba ka dhaqan gelin.

Somalilandtoday/Muqdisho/Office

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this