Sign in to follow this  
Deeq A.

Ninkii Dilay Paul Anthony Fermosa Oo Ku Geeriyoodey Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari waxaa xalay ku geeriyoodey ninkii dilay Paul Anthony Fermosa oo ahaa madaxii shirkadda DP World ee dekadda magaalada Boosaaso.

Ninka ayaa lagu magacaabayey C/laahi Maxamed Ibraahim, waxaana uu ku dhintey isbitaal ku yaalla magaalada Boosaaso, kadib dhaawac shalay soo gaaray markii uu dilay Fermosa kadib.

Saraakiisha ammaanka magaalada Boosaaso ayaa xaqiijiyey in ninkaan uu ka mid ahaa xarakada Al-shabaab, islamarkaana aanu ahayn kalluumeysato sida lagu baahiyey baraha bulshada.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka Paul Anthony Fermosa oo tan iyo October 2017 ka shaqeynayey dekadda Boosaaso.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this