Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA: Waxaan Gacanta Ku Dhignay Hub Ay Leeyihiin Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka “NISA” ayaa sheegtay in gacanta ay ku dhigeen hub ay leeyihiin xarakada Al-shabaab, kadib howlgal ay ka fuliyeen deegaan lagu magacaabo Forsooleey oo ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose.

Qoraal ay NISA soo dhigtay barta Twitter-ka ayeey sidoo kale ku sheegtay iney burburiyeen goobo Al-shabaab ay dadka uga qaadi jireen Zakada.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab iyaga oo kaashaneysa saaxiibadeeda caalamka.

Ciidanka amniga oo 2-da bishaan howlgal qorsheysan ka fuliyay goobo ka mid ah tuulada Forsooleey, ayaa hub kusoo furtay, laba goobood oo AS dadka Zakawat uga qaadi jireenna ku burburiyay. Howlgalka waxaa daba socday laba duqayn oo AS looga dilay ilaa 40 xubnood.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this