Deeq A. Posted February 5, 2019 Jowhar (SMN) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka HirShabelle oo la hadlay Warbaahinta ayaa eedeyn la xariirta musuq-maasuq u jeediyay madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare. Xubnahani ayaa sheegay in madaxweynuhu mas’uul ka yahay dhibaatooyinka dhaqaale xumo ee ka jira deegaanada HirShabelle. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in la masuq-maasuqo, islamarkaana si gaar ah loo isticmaalo canshuuraha maamulkaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli malmihii la soo dhaafay ay taagneyd cabasho la xariirta mushaar la’aan heysata xildhibaanada Baarlamaanka HirShabelle. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/cod-mahad-ee.mp3 The post Baarlamaanka HirShabelle Oo eedeeyay madaxweyne Waare appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites