Deeq A. Posted February 5, 2019 Afgooye (SMN) – Ciidamada ammaanka ayaa xalay howlgallo dad lagu soo qab qabtay ka sameeyay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgalladan oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa laga fuliyay qaar ka mid ah xaafadaha degmadaasi. Taliyaha Booliska Afgooye Dhame C/qaadir Maxamed Mursal oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in howlgalladan lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo lagu tuhmayo falalka amaan dari ee ka dhaca magaaladaasi. Sidoo kale taliyaha ayaa intaasi ku daray in howlgalladu ay sii socon doonaan, tan iyo inta laga xaqiijinayo amniga. Al Shabaab ayaa inta badan weeraro iyo dilal qorsheysan ka fuliya degmada Afgooye oo koonfur kaga beegan magaalada Muqdisho. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/cod-jaamac.mp3 The post Howlgallo ballaaran oo laga sameeyay degmada Afgooye appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites