Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA Oo sheegtay in ay hub ka soo furatay Al Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye ( SMN) – War ka soo baxayhay’adda NISA ayaa looga hadlay howlgal Ciidamada dowladda ay ka fuliyeen deegaanka Forsooley ee gobolka Sh/ Hoose.

Howlgalkan oo dhacay labadii bishan ayaa la sheegay in Ciidamadu ay hub badan uga soo furteen Al Shabaab oo gacanta ku haya deegankaasi.

Sidoo kale NISA ayaa sheegtay in ay burburiyeen goob ay Al Shabaab ay dadka uga qaadi jireen Zakawaat.

“Ciidanka amniga oo 2-da bishaan howlgal qorsheysan ka fuliyay goobo ka mid ah tuulada Forsooleey, ayaa hub kusoo furtay, laba goobood oo Al Shabaab dadka Zakawat uga qaadi jireenna ku burburiyay. Howlgalka waxaa daba socday laba duqayn oo Al Shabaab looga dilay ilaa 40 xubnood” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Muddooyinkii la soo dhaafay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda gobollada dalka.

The post NISA Oo sheegtay in ay hub ka soo furatay Al Shabaab appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this