Deeq A. Posted February 5, 2019 Dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga dowladda Puntland oo ay maamusho shirkadda P&O ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa maalintii labaad xiran kadib markii shalay la dilay madaxii shirkaddaasi, Paul Farmosa. Dhammaan shaqadii dekedda ka socotay ayaa shalay istaagtay, marka laga reebo qeybta kastamka canshuuraha oo hoostaga wasaaradda Maaliyadda Puntland, waxaana weli ku xayiran qaar kamid ah gaadiidka xamuulka ah oo raran sida ay sheegeen xubno ka tirsan ganacsatada Boosaaso. Xirnaanshaha dekedda Boosaaso ayaa saamayn ku yeeshay nolosha shaqaalaha muruq-maalka ah ee ka xamaasha dekedda iyo guud ahaanba ganacsiga magaalada oo tiir dhexaad u ah dhaqaalaha Puntland. PUNTLAND POST The post Dekedda Boosaaso oo maalintii labaad xiran appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites