Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhacdooyinkii Xanuunka badnaa ee laga diiwaan geliyay qaraxii Shalay ka dhacay Xamarweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dhacdooyin xanuun badan ayaa laga diiwaan geliyaa qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho, kuwaasi oo inta badan dadka rayidka ah ay gaaraan.

Shalay barqadii qaraxii ka dhacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ayaa ka dhacay goob shacabka ay ku badan yihiin, waxaana khasaaraha ugu badan uu  geystay dadka rayidka ah.

Dhacdooyin murugo badan ayaa laga diiwaan geliyay qaraxii shalay oo dad badan ay ku dhinteen, waxaana dadka ugu badan dilay dhismaha kusoo dumay oo ay ku hoos jireen.

Wiil Dhalinyaro ah oo degan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa kamid ahaa dadka ku dhintay qaraxaasi, kaasi oo guursaday Afar maalin ka hor qaraxa, waxaana shalay uusoo aaday degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

“Wiilka alle ha u naxariisto Jimcihii ayuu guursaday, saaka markuu naga tagayay waa la celin waayay, waligii xiligaasi Xamarweyne muusan aadin, iska joog ayaa la dhahay, balse wuu diiday wuuna ku dhintay Qaraxa”sidaasi waxaa  yiri mid kamid ah ehelka wiilka dhalinyarada ah.

Sidoo kale dhacdooyinka xanuunka badan ee laga diiwaan geliyay qaraxaasi ayaa ah inay hal meel iyaga oo wada hadlaya ay ku geeriyoodeen wiil yar iyo Hooyadii oo ku sugnaa Carwo ku taalo goobta qaraxa uu ka dhacay.

Wiilka yar oo 17 Jir ahaa ayaa la sheegay in hooyadii uu usoo qaaday Quraac, balse iyada oo ka qaadeyso Al baabkana wada taagan yahay uu qaraxa dhacay, waxaana lasoo saaray iyada hal meel iskula dhintay.

Dhimashada dadka waxaa kordhiyay goobta oo mashquul badan iyo dadka oo uu dhismaha ku dumay, waxaana badankood dadka ay hoos galeen dhagxaanta duntay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this