Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA oo hub ka furtay Al Shabaab iyo diyaarado dul heehaabaya Shabeelaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online)-Hay’adda Nabad Suggidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa ka badashay weerar ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, kaasi oo lala eegtay xarumo ciidamada Al Shabaab ku leeyihiin gobolka.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgal laga fuliyay deegaanka Farsooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose Al Shabaab ay kaga furteen hub badan, waxaana jira khasaaro weerarka ka dhashay.

Qoraalka Hay’adda ayaa lagu sheegay in weerarkaasi sidoo kale lagu burburiyay labo xarumood oo Al Shabaab ay Zakawaadka uga qaadi jireen dadka ku dhaqan deegaanka Farsooleey ee gobolka SHabeelaha Hoose.

Dhinaca wararka ka imaanaya Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya inay kordheen tirada duqeymaha diyaaradaha aan duulaha laheyn ay ka geysanayaan gobolka, kuwaasi oo lala eegto saldhigyada Al Shabaab.

Tan iyo sanadkaan cusub ee 2019 ayaa la sheegay in weeraradii ugu badnaa laga fuliyay gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana lala eegtay saldhigyada Al Shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in tan iyo xalay diyaarado badan ay dul heehaabayeen deegaanada Al Shabaab kaga sugan yihiin gobolkaasi, waxaana la sheegayaa in Shabeelaha Hoose uu yahay gobolka ugu badan ee AL Shabaab ay ku dhuumaaleystaan.

La soco waxoo kasoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Sh/Hoose
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this