Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraatka Carabta iyo Malta oo xog cusub ka bixiyay dilkii ka dhacay Dekada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online)-Dowladda Imaaraatka Carabta iyo Jazeerada Malta ayaa xog dheeraad ah ka bixiyay dilkii shalay ka dhacay  dekada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Malta  ayaa xaqiijisay geerida Muwaadin u dhashay dalkooda oo lagu magacaabo Paul Anthony Formosa, kaasi oo ahaa Madixii Shirkadda P&O Ports ee hoos tagta Shirkadda  DP World ee Mashruuca Dekedda Bosaaso.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ruuxaasi ku geeriyooday ay sidoo kale la dhaawacmeen seddex kamid ah shaqaalaha Shirkadda oo mid kamid ah la sheegay inuu u dhashay dalka India.

Dhinaca kale, Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in weerarka lagu dilay Madixii Dekedda Boosaaso ay ku dhaawacmeen 3 qof oo ka tirsanaa shaqaalaha Shirkadda DP World.

Hadal-qoraal oo ay Dowladda dalkaasi soo saartay ayaa lagu shegeay inay ka war dhowrayaan baaritaan haatan ay Maamulka Puntland ku hayaan dhacdadii dilka ee shalay ka dhacday Dekedda Bosaso.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka ka dhacay magaalada Boosaaso, waxaana Cali Dheere uu sheegay in arinta ay ka dambeysay kadib cabasho ay ka heleen shaqaalaha dekada Boosaaso.
Meydka Paul ayaa la filayaa in loo qaado dalka Imaaraatka Carabta, waxaana kadib la sheegay in dalkiisa Malta loosii wareejin jiray.
Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this