Sign in to follow this  
Deeq A.

Halista ku wajahan Nairobi kadib weerarkii Hotel DusitD2 oo la ogaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay digniin kale oo ku wajahan Dalka Kenya, kadib markii hay’addaha sirdoonka dalkaasi ay heleen xogo la xiriira weeraro kale oo Al Shabaab ay qorsheyneyso.

Mareykanka wuxuu sheegay in weerarada Al Shabaab markaan ay ku wajahan yihiin dadka reer Galbeedka ah ee ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib xogo amaan oo la helay.

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa digniin kasoo saartay weeraradaasi, waxaana ay sheegtay inay ka warheleen in Al Shabaab ay qorsheynayaan weerarada ka dhan ah xarumaha dadka reer Galbeedka ee ku sugan Nairobi.

Waxaa digniin loo jeediyay dhamaan dadka reer Galbeedka, gaar ahaan muwaadiniinta Mareykanka kuwaasi oo lagu amray inay iska diiwaan geliyaan qeybta adeega dadka Safarka ah oo safaaradda ay ka heli karaan.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Al Shabaab ay qorsheynayaan weeraro ka dhan ah Kaniisadaha, Suuqyada iyo goobaha dadweynaha ku kulmaan, waxaana la faray laamaha amniga inay adkeeyaan amaanka goobahaasi.

Kadib weerarkii Dusit ee magaalada Nairobi, dowladda Kenya ayaa u ogolaatay shirkadaha waaweyn inay yeelan karaan ciidamo dheeri ah oo adkeynaya amaanka goobaha ganacsi ee kuyaala magaalada Nairobi.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this