Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waxaa la joogaa waqtigii Al Shabaab wadahadal lala geli lahaa sida Taalibaan”+Dhageyso

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee amniga xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay in la joogo waqtigii wadahadal lala geli lahaa Al Shabaab.

Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya ayaa sheegay in wadahadal uu u socday Alshabaab iyo xukuumadii uu ka tirsanaa, balse isbadal uu ku yimid markii dambe xukuumadda, haddana wuxuu sheegay in la joogo waqtigii wadahadalka.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in Hadda Taalibaan heshiis lala galay, taasi oo ka dhigan inay u naxeen dadkooda.

Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamuud ayaa sheegay in Xarakada Al Shabaab ay yihiin dad Soomaaliyeed, islamarkaana ay ogolaan karaan mar walbaa Wadahadal lala galo dhankooda.

”Waxaa La Joogaa Waqtigii Wadahadal Lala Geli Lahaa Al-Shabaab”ayuu yiri Wasiirkii hore ee amniga xukuumadii Xasan Sheikh Maxamuud.

Hoos ka dhageyso codka wasiirka

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Cod-Xildhiban-Cabdirisaaq-Cumar-Maxamed-.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this