Sign in to follow this  
Deeq A.

Jeneraal Indha Qarshe oo shaaca ka qaaday qorshe ay damacsan yihiin 2019

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada xooga dalka General Daahir Aadan Cilmi “Indha Qarshe”ayaa ku dhawaaqay howlgal cusub oo ciidamada dowladda ay qaadayaan ka hor dhamaadka 2019.

Howlgalkaasi ayuu sheegay inuu yahay mid loo qorsheeyay in Al Shabaab looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada dalka Soomaaliya, ka hor inta aysan ciidamada AMISOM kabixin Soomaaliya.

Taliyaha wuxuu sheegay in howlgalkaasi laga doonayo labo ujeedo oo kala ah in marka hore la doonayo in lagu furo waddooyin badan oo Al Shabaab ay go’doomiyeen, halka ujeedada kale ay tahay in Al Shabaab laga saaro magaalooyin badan.

Bixitaanka ciidamada AMISOM ayuu sheegay inay ka horeeyaan shaqooyin badan oo ah in Al Shabaab laga saaro dhamaan magaalooyinka ay kaga sugan yihiin gobolada dalka, kadibna la xaqiijiyo amaanka magaalooyinkaasi.

Marar badan saraakiisha ciidamada AMISOM, kuwa Dowadda iyo maamul goboleedyada oo kulmay ayaa iclaamiyay dagaal ka dhan ah Al Shabaab, waxaana wali muuqan wax dagaal ah oo ka dhan ah Al Shabaab oo la qaaday.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa horey u sheegay in sanad walbaa la iclaamiyo howlgal ka dhan ah Al Shabaab, balse aysan jirin wax dagaal ah oo lala galo Al Shabaab, taa badalkeedana iyaga ay weeraro geystaan.

Waxaa meesha ka baxay balanqaad madaxweyne Farmaajo uu sameeyay bilowgii doorashadiisa oo aheyd in muddo labo sano gudahood ah Al Shabaab looga saari doono guud ahaan dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this