Deeq A. Posted February 5, 2019 Wax cirka soo dhac ah ma aha in Soomaaliya sannad walba calanka u siddo musuqmaasuqa waddamada dunida oo dhan. Musuqu waa qayb dhaqankeenna ka mid ah siiba marka ay noqoto xagga maamulka dawladda. Waa cudur aan daawo lahayn, islamarkaana aynaan rabin in la daaweeyo. Waddaadada Wahaabiyada oo burburkii wixii ka dambeeyay iyagu ahaa kuwo ay shacabku si aad ugu dhaganugul yihiin, way yartahay inta aad ka maqli iyagoo shacabka uga digaya xumaanta musuqmaasuqa iyo cidhibxumada ay Eebbe hortiisa kala kulmi doonaan duulkii caadaystaa. Waxaa ii muuqata in waddaadadaas ay xilligan u rahmanyihiin dhagaha shacabku ay ka gaabiyeen sidii ummadda looga badbaadin lahaa musuqmaaqsuqa iyo qabyaaladda oo ah laba cudur oo Soomaalida aafeeyay, qayrkoodna ka reebay. Waa hubaal in haddii ay culumada Soomaaliyeed sida ay xoogga u saaraan xagga arrimaha haweenka si la mid ah ay isugu taxaluujin lahaayeen tirtiridda labadaas aafo ee aan kor ku xusay in wax badan iska beddeli lahaayeen xaalaadda Soomaalida. Yeelkeede, waxa uu ka mid ahaa dadka aadka uga dayriya xaaladda waddanku ku suganyahay. Muddo soddon sano ku dhaw oo uu qurbaha ku noolaa weli mar keliya cagta ma saarin carradii uu ka yimid. Ma aha taas micnaheedu in aanu ahayn nin dhoofka jecel oo baradiisa iska jooga. Marar badan buu safar dibbadeed uga baxay waddankan Biritayn ee uu degganyahay, oo Afrika, Khaliijka Carabta iyo meelo kaleba cagta soo mariyay. Haseyeeshee waxa uu aaminsanaa in Soomaaliya aanay ahayn meel la tegi karo, isagoo mararka qaarkoodna ka soo noqon jiray waddamada deriska siiba caasimadda Kenya ee Nairobi. Waxaa aan marnaba maskaxrdiisa ka go’in xasuusta maalmihii ugu dambeysay iyo xaaladdii uu Xamar oo ahayd goobtii uu ku dhashay ku barbaaray, wax ku bartay, kana shaqo billaabay uu kala kulmay, isagoo arrimahaas had iyo jeer ka sheekeyn jiray. Haddaba maalmahan arrinku sidii hore maaha. Waxa uu billaabay sheeko ka duwan middii lagu yiqiin. Waddankii waa hagaagay, Qurbaha maxaad ka qabanaysaan dalkeenii ayaa inoo baahan iyo wax la mid ah. Waa la yaabay, tolow ma Malakulmawtkii ayaa Xamar uga gacan haadiyay, maxaa mar keliya aragtidiisii beddelay? Illeen Xamar baa looga yeedhay, oo uu u socda iminka. Haseyeeshee ujeeddadiisu maha sida uu sheegayo in uu shacabka u shaqeeyo balse waa inuu ka shaqaysto. Nin ay ilma-adeer yihii oo wasiir ah ayaa u yeedhay oo lacagtii tigidhka xataa isagaa u soo diray. Waa wasiir ka aamin baxay dhammaan dadkii la shaqaynayay oo u baahday cid qaraabadiisa ah oo u xilqarisa hantida shacabka ee uu boobayo. Saw in uu boobo, qaraabadiisana shaqaalaysto xaq uma laha madaama 4.5 wax lagu qaybsaday, wasaaraddanina ay qayb u heleen. Nin loo yeedho iyo nin iskii iskaga qadhaab doontaba dalkii la wada aad. Madaxweyne, ra’isalwasaare, wasiirro iyo xildhibaanno baasaaboor ajnabi wata la arag. Nin aan saaxiib ahayn oo wixii hoog iyo halaag waddanka ka dhacay la soo gudhiyay oo maalin isoo wacay ayaa waxaan weydiiyay waxa uu maamulka bannaanka uga joogo, waxaanu iigu jawaabay, “qofku haddii aanu qurbaha ka iman waddanka ciddi ma qiimayso”. Waa dhab waa la wada shaqo tegay si hantida shacabkan dhibaataysan kiishash looga buuxsado. Tolow goormaa na loo yeedhi! W/Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan Wardheernews.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid Share this post Link to post Share on other sites