Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Dheere oo sheegay in arrin ay DP World gaysatay ay sababtay dilka Formosa kaddib cabasho u timid

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Al-Shabaab, Cali Dheere ayaa war kasoo weerarkii shalay lagu dilay Paul Anthony Formosa, oo ahaa maamulihii shirkadda DP World ee dekedda Boosaaso.

Cali Dheere ayaa shaaca ka qaaday in howl-galka lagu dilay Formosa  uu ahaa mid lagu difaacayo “kheyraadka umadda Soomaaliyeed oo ay boob ku hayaan dowlado iyo shirkada shisheeye”

Wuxuu sheegay in shirkadda DP World ee dowladda Imaaraatka Carabta ay dhibaato ku heyso ganacsatada Soomaaliyeed, islamarkaana ay dekadda Boosaaso ka eriday shaqaalihii muruq maalka ahaa ayna keensatay shaqaale ajnabi ah.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka jawaabtay cabasho ka timid shacabka Boosaaso, oo qaati ka taagan dhibaato uu sheegay inay ku hayso shirkadda DP World.

Cali Dheere ayaa ku hanjabay in Shabaab ay shisheeyaha ku sugan Soomaaliya, oo uu sheegay inay boob ku hayaan dhaqaalaha Soomaaliya, ay dagaal adag lagelayso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this