Deeq A. Posted February 4, 2019 Somaliland: Kulmiye Iyo Musuqmaasuq Waa Mataano Waxaa maanta daboolka laga qaaday arrin culus oo ahayd in maamulkii M/Weyne Axmed Maxamed Maxamuud “Silaanyo” uu ka tagay deny dhan $80 Milyuun Doolar!!.. Waxaan idhi, maxaa indhaha loo cadeynayaa, oo la iska dhigayaa inuu warkani yahay mid lama filaan ah. Kulmiye iyo Musuqmaasuq waa mataano!. Todobadii sannadood ee uu M/Weyne Silaanyo hoggaanka hayey, ama haddii aynu runta sheegno, uu ku magacaabnaa kursiga Madaxweyne, Dalka iyo khasnada waxaa maamulayey, “kitchen cabinet” oo ka kooban dad ku dhow ama ka tirsanaa qoyska M/Weynaha. Boobka iyo musuqmaasuqu caadi bu ahaa. Yaan immaka la iska dhigan dad aan waxba ogayn. Kulmiye iyo Musuqmaasuq waa mataano! Gurayaha laga iibsaday London, Dubai, Nairobi, Birmingham iyo magaaloyin kale. Hodheelada laga dhisay, Hargeysa, Burco iyo Berbera. Haamihii Shidaalka, Xumbo-Weyne, Madaarka Hargeysa, kii Berbera, iyo arrimo kale oo fara badan, waxay dhaceen intuu Kulmiye xukun xaakimka ahaa. Markaa Kulmiye iyo Musuqmaasuq waa mataano! Saxiibkay Sacad Cali Shire oo aan aqaan markuu ahaa nin ku shaqeeya sharaf iyo daacad, oo Jaamicadihii Hargeysa iyo Burco u uruurinayey lacagta, oo isagu iska bixinayey tikedhka diyaaradaha uu ku tagayey, Yorub, Mareykanka iyo Kanada, ayaa maanta lagu sheegay inuu jeebka buuxsaday oo guryo ka iibsaday London iyo Dubai. Markaa Kulmiye iyo Musuqmaasuq waa mataano! Markaa ama Samsam ha tidhaahdo “shillin deyn ah kama tagin” ama Sacad ha yidhaahdo ” 80 milyuun oo dollar ba la liqay”, Kulmiye iyo Musuqmaasuq waa mataano! Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi buug cusub oo madhan baa loo furay. Wixii lagu qori doono, hab maamulka iyo kartidiisa ayey ku xidhantahay. Somaliland, cadow ma jabin doono, Bismillaahi Kareem, hase yeeshee, Musuqmaasuq wuu dhaawici. Allaa Mahad Leh Axmed Kheyre Qaran News Share this post Link to post Share on other sites