Sign in to follow this  
Deeq A.

Ninkii dilay maamulihii dekadda Bosaso ee shirkadda P&O oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_20190204_230002.jpg?resize=600%2C360Ninkii dilay Paul

Waxaa caawa isbitaalka guud ee magaaladda Bosaaso ku geeriyooday ninkii fuliyey dilkii saaka loo geystay maamulihii dekadda Bosaaso ee shirkadda P&O Ports, Paul Anthony Farmosa, sidoo kalana dhaawacay ku xigeenkiisii iyo labo kamid ah ilaaladiisii.

Ninkan ayaa magaciisa lagu sgeegay Cabdullaahi Ibraahim Maxamed, waxaana sida ay PUNTLAND POST u xaqiijiyeen illo lagu kalsoonaan karo uu u geeriyooday, kadib qaliimo lagu sameeyay oo lagaga saarayay xabado illaa sadex meelood kaga dhacay.

Baraha bulshada ayaa saacado ka hor la soo dhigay muuqaal kooban oo eedeysanaha kula hadlayo hadalo aan munaasab ahayn, waxaana muudaa in dowladdu aysan ninkan xil iska saarin.

Si dhaba looma oga inay laamaha amaanku xog dhamaystiran ka heleen iyo in kale inta uusan geeriyoon, waxaase saakay markiiba isbitaalka guud tagey saraakiil katirsan ciidamada nabad sugida si ay ninkan waraysi ula yeeshaan.

Meydka Anthony Farmosa ayaa hadda ku jira tallaagad, waxaana beri la qorsheynayaa in loo qaado dalkiisii oo ahaa Jasiiradda Malto.

PUNTLAND POST

The post Ninkii dilay maamulihii dekadda Bosaso ee shirkadda P&O oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this