Sign in to follow this  
Deeq A.

8O malyuun oo Dollar oo dayn ah ama lacag ah oo lagu lee yahay Xukumadii 1’aad ee Kulmiye oo lagu wareejiyey xukumada 2’aad ee

Recommended Posts

Deeq A.   

Dareen muwaadin:

😯 malyuun oo Dollar oo dayn ah ama lacag ah oo lagu lee yahay Xukumadii 1aad ee Kulmiye oo lagu wareejiyey xukumada 2aad ee Kulmiye!

Ogow xukumadii hore wasiirkeedii maaliyad ,Samsam Cabdi Aadan waxay ina tidhi “Cid dawlada wax ku lihi ma jirto” Waa maalmihii ugu dambeeyey ee xukumadii Axmed Siilaanyo ayey sidaa tidhi.

Maantana waxa soo baxday sida ay sheegeen Gudi Hoosaadka Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka JSL ee Golaha Wakiilada in 80 Mallyuun oo dayn ah lagu wareejiyey xukumada 2aad ee Kulmiye ee uu hogaaminayo Muuse Biixi Cabdi.

Hore la inooguma sheegin dayntan, laakiin weyn tuhmaynay in dani jirto, laakiin marna maynu soo dhigan in 80 Malyuun noqoto!

Waxa dheer boobkii hantida qaranka ee dhul iyo duunyo kale leh ee xukumadii Kulmiye oo 80 kaa malyuun ka badan oo gashay jeeb xubno gaar ah oo awoodo ku lahaa xukumadii hore.

Sidoo kale waxa isweydiin leh waxa loo qariyey, sida loo galay dayntaas iyo ilaa hadda inta ay bixisay xukumada Muuse.

Shaacinta iyo qirashada maanta ee Wasiir Sacad Cali Shire ee Golaha hortiisu waa mid foolxumo iyo aaminaad daro dusha uga saaraysa madaxweyne Muuse Biixi oo isla xukumadii ka horaysay ahayd isla xisbigiisa Kulmiye.

Waxa aan is weydiiyey xukumada Muuse Biixi iyaduna imisa dayn ah ayey ka tagidoontaa?

Anigu waan yaabanahay cida qarankan u maqan ee lexejeclo u haysa ilaalinta waxeeda yar goorta aynu helayno!

Xuquuqda qoraalkani waxa iska leh Abdilaahi Maxamed Cali oo aan Ka soo xiganay bartiisa Facebook

 

 

Muwaadin adigu sideed u aragtaa?

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this