Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab Oo sheegtay qaraxii ka dhacay Xamar Weyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( SMN) – War ka soo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa waxa ay ku sheegteen  masuuliyadda qaraxii maanta ka dhacay degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir.

Qaraxan oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa waxa ay Al Shabaab ay baahiyeen in ay ku dileen xubno ka tirsanaa dowladda Soomaaliya.

Al Shabaab waxa ay warkan ku sheegeen in qaraxaasi ay ku dileen illaa 8 Qof  oo isugu jiray sarakiil ka tirsanaa NISA iyo shaqaaale dowladeed, sida ay hadalka u dhigeen.

Ma shaacin Al Shabaab magacyada dadka ay dileen, basle waxa ay tilmaameen in ay ku sugnaayeen Baar ku yaalla goobta uu qaraxu ka dhacay.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii qarax kan la mid ahaa uu ka dhacay agagaarka taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

The post Al Shabaab Oo sheegtay qaraxii ka dhacay Xamar Weyne appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this