Deeq A. Posted February 4, 2019 Hargeysa ( SMN) – Maxkamad Ku taalla M/ Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa maanta 20 dhalinyaro oo darbi jiif ah ku xukuntay lix bilood oo Xabsi ah. Xeer ilaalinta maxkamadda ayaa dhalinyaradan ku eedeysay in ay dhuuqayeen xabakta ama koolada, islamarkaana ay tuuryeeyeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee maamulkaasi. Ujeedka ay u wareereen xarunta Wasaaradda ayaa lagu sheegay in ay la xariirto daryeel la’aan heysata dhalinyaradaasi. Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan Hargeysa ayaa la yaab ay ku noqotay xukunka ay riday maxkamadda magaaladaasi. Inta badan Somaliland ayaa xukuno kala duwan ka fulisa deegaanadeeda, iyadoona haatan ay dad badan ku xiran yihiin xabsiyada maamulkaasi. The post Somaliland Oo xukuntay dhalinyaro darbi jiif ah appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites