Deeq A. Posted February 4, 2019 Garowe ( SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilka madaxii P&O Ports oo hoostagta shirkadda DP World ee Dekedda Boosaaso, kaas oo saaka kooxo hubeysan ay ku dileen magaaladaasi. Ninkan oo lagu magacaabi jiray Paul Anthony Fermosa, una dhashay dalka Talyaaniga ayaa la sheegay in toogasho lagu dilay, xilli uu sii galayay Dekeddaasi. Yuusuf Maxamed Waceys Dhado guddoomiyaha G/Bari oo Wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in kooxaha weerarka soo qaaday ay sidoo kale dhaawaceen labo askari iyo nin Hindi ah oo la shaqeynayay shirkadda DP-World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta. Gudoomiye Dhado ayaa intaasi ku daray in ciidamada amnigu ay dhaawaceen mid ka mid ah raggii toogtay ninkaasi, islamarkana haatan lagu hayo gacanta. Dhinaca kale madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ka hadlay dilkaasi. Madaxweyne Deni ayaa xusay in kaliya aan la dilin Paul Anthony Fermos, balse hoos loo dhigay sumcadii Puntland, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn waxa uu hoosta ka xariiqay in dilkan uusan ku koobneyn Al Shabaab, ayna baari doonaan dhacdadaasi. Al Shabaab ayaa sheegtay dilka, iyadoona Afhayeenkooda dhinaca howlgallada C/casiis Abuu Muscab uu sheegay in weerarkan uu qeyb ka yahay kuwo ka dhan ah shirkadaha shisheeye ee ka howlgala Soomaaliya. The post Puntland Oo si adag uga hadashay dilkii Paul Fermosa appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites