Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo si adag uga hadlay dilkii Paul Farmosa

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida maamulihii dekedda Boosaaso ee shirkadda P&O Mr. Paul Anthony Farmosa oo saaka dil loogu geystey magaalada Boosaaso.

Madaxweyanaha Puntland ayaa uga tacsiyey gaarida Paul Farmosa shirkadda P&O, dowladda iyo shacabka dalka Talyaaniga, dalka Imaaraadka oo shirkadda lagaleeyahay, eheladii iyo qaraabadii uu ka ka baxay iyo dhammaan ummaadda Soomaaliyeed.

Waxaan ka tacsiyeynayaa geeridii foosha xumayd ee lagu diley maamulihii dekedda Boosaaso ee Shirkadda P&O Paul Anthony Farmosa, waxaan uga tacsiyeynayaa dhacdadaasi foosha xun shirkadda P&O, dowladda iyo shacabka Dalka Talyaaniga, dowladda Imaaraadka oo shirkadda laga leeyahay, eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey iyo dhammaan ummaadda Soomaaliyeed’’ ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in talaabo sharci ah laga qaadidoona cid kasta oo lug ku yeelata falkani foosha xun, waxaa uu Madaxweynuhu shacabka Puntland ku booriyey inay fiiro gaara u lahaadaan cadawgooda oo ay farta ku godaan inta ku dhexdhuumanaysa.

Arrintaas baadhitaankeeda cid kasta oo lug-kuyeelata ama dalka hajoogto ama debeddiisee waa denbiilayaal ka galay dadka reer Puntland denbi, cid kasta oo ay ku cadaato arrintaasina waxaan ka qaadaynaa talaabo sharciga waafaqsan, arrinta ma orankarno arrin argagixiso keliya waxa ka danbeeyana waan ogaandoonaa waa arrin lagu weerarayo shacabka Puntland iyo horumarkooda, dhaqaalahoodana lagu wiiqaayo, mustaqbalkooda lagu dilaayo” ayuu yiri mudane Deni.

Wuxuu intaasi raaciyay in Al-shabaab, daacish iyo cid kasta oo cilaaqaad laleh ay mutaysandoonaan ciqaab adag oo aan naxariis lahayn, isla markaana waxa uu faray ciidamada dowladda Puntland meelkasta oo ay joogaan inay heegan u galaan sidii ay dalkooda iyo dadkoodaba uga ilaalin lahaayeen cadawga uga imaanaya gudaha iyo dibaddaba.

Halkaan  ka daawo 

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo si adag uga hadlay dilkii Paul Farmosa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this