Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Saciid Deni oo soo saaray amarro culus kadib dilkii madaxa DP World

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlada goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hadlay toogasho nin hubaysan uu saaka magaalada Boosaaso ugu geysaytay madaxii shirkada  DP World oo gacanta ku haysay maamulka Dekeda Boosaaso .

Madaxweyne Deni ayaa marka hore ka tacsiyeeyay dilka loo geystay Paul Anthony, oo saaka lagu dilay gudaha dekadda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Barr, waxa uu amray laamaha amniga  ee Puntland in ay dagaal ku bixiyaan Sidii looga hortagi lahaa weerarada waxa uu ugu yeeray cadowga.

“Falkaan waa mid argagixiso ah oo lagu waxyeeleynayo sharafka shacabka Puntland iyo dowladoodaba” ayuu yiri madaxweyne Deni oo warfidiyeenka kula hadlaayay madaxtooyada Garowe.

Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa la wareegtay Dekedda Boosaaso oo ay heshiis mudo 30 sano ah  kula gashay maamulka Puntland, inkastoo baarlamaanka Soomaaliya ay diideen in DP World ay ka shaqeyso Soomaaliya, toosi oo sababtay in uu xumaado xiriirka ka dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mus’uuliyada dilka loogeystay madaxii shirkada Dp World ee dekeda Boosaaso.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this