Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo shaacisay arrin ay Paul Anthony kala hadashay inta aysan dilin

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa ka hadashay dilkii maanta nin hubeysan uu magaalada Boosaaso ugu gaystay madaxii shirkadda DP World ee dekedda magaalada Boosaaso.

Afhayeenka howl-gallada Al-Shabaab, Cabdicasiis Abuu Muscab oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay la hadashay Paul Anthony Formosa, ka hor inta aysan dilin.

“Waan la hadalnay, waan u dignay, waxaana u sheegnay inuu dalka sharci ku joogo, oo uu isaga baxo, balse dhegaha ayuu naga fureystay” ayuu yiri Cabdicasiis Abuu Muscab.

Abuu Muscab ayaa sidoo kale idaacada Andalus u sheegay in dilkan uu qeyb ka yahay weerarada lagu beegsanayo shirkadaha shisheeye ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Abu Muscab ayaa shirkadaha ay DP World ku jirto ku eedeeyey inay doonayaan in ay la wareegaan kheyraatka iyo dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this