Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Ka Dhacay X/weyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helay qaraxii maanta barqadii ka dhacay degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa ahaa gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, waxaana la dhigay goobta la dhigto gaadiidka ee Muqdisho Mall, iyadoo halkaasi ay waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah.

In ka badan 6 qof ayaa ku dhimatay qaraxaasi, waxaana ku dhaawacmay 11 kale sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Waxaa goobtaasi sidoo kale ka dhashay khasaare hantiyeed, iyadoo dhismayaal goobta ka dhowaa ay bur-bureen.

Hoos ka arag sawirada:

Q1.jpg Q2.jpg Q3.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this