Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo war ka soo saartay dilka Paul Anthony balse beenisay arrin horey loo shaaciyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka hadlay dilkii maanta dekedda Boosaaso loogu gaystay madaxii shirkadda DP World ee dekeddaas, Paul Anthony Formosa.

Wasiirka dekadaha Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay geerida Paul Anthony Formosa,isaga oo intaas raaciyay in labo askari iyo qof Ajannabi ah oo kale ay ku dhaawacmeen weerarka.

Wasiirka dekadaha Puntland Saciid Maxamed Raage ayaa yiri “Waa sidaasi agaasime Paul Anthony Formosa ayaa la weeraray oo weerarka ku dhintay, labo askari waa dhaawacmeen, nin Hindi ahna dhaawac fudud ayaa soo gaaray” ayuu yiri.

Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo, ayaa diiday warar warbahainta qaar ay baahiyeen oo ku saabsan halka uu dilka ka dhacay oo ah gudaha dekedda Boosaaso.

Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay meel u dhaxeysa dekadda iyo guriga Paul, islamarkaana wax weerar ah uusan ka dhicin gudaha dekedda.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this