Sign in to follow this  
Deeq A.

Halis kusoo wajahan reer galbeedka ku sugan Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa digniin ka soo saartay weerarro ka dhan ah dadka Reer Galbeedka ah ee ku nool dalka Kenya, oo dhowaan dhici kara.

Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Nairobi ayaa soo saartay digniin ay ku sheegtay in ay heshay xogo muujinaya weerarrada ka dhanka ah dadka reer Galbeedka ah ee Kenya, oo kooxaha argagixisada ay diyaarinayaan.

Waxaa ay safaaradda qoraalkeeda ku sheegtay in meelaha la beegsanayo ay ka midyihiin Nairobi, Naivasha, Nanyuki, iyo Gobollada Xeebta ah.

Safaaradda ayaa ugu baaqday dadka ajnabiga ah, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda dalka Mareykanka in ay feejignaadaan iskana diiwaan geliyaan qeybta adeegga dadka safarka ah ee safaaradda oo laga heli karo Internet-ka.

Goobaha la beegsanayo ayey safaaradda ku sheegtay Suuqyada, Kaniisadaha, Meelaha kale ee la isugu imaado,iyada oo sheegtay in ay heyso xog la isku halleyn karo.

Dadka aan heysan Internet-ka ayey safaaradda Mareykanka ka codsatay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan isaga diiwaangeliyaan qunsuliyadaha Mareykanka ee ku yaalla Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this