Sign in to follow this  
Deeq A.

QM Oo sheegtay in gargaar ay u baahan yihiin Somali badan

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (SMN)-War ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in 1.5 Milyan oo Soomaali ah ay haatan wajahayan cunno la’aantii ugu xumeyd , tan iyo bishii June ee sanadkii hore, kadib markii Roobkii Deyrta uusan si fiican uga di’in Soomaaliya.

Hay’adda dhanka Beeraha FAO ee QM ee ayaa sheegtay in caruur gaareysa 1 Milyan oo Soomaali ah ay haatan soo food saartay nafaqo daro xoogan.

Sidoo kale FAO ayaa ku baaqday in la  garab istaago dadkaasi Soomaaliyeed, si loo caawiyo.

Soomaaliya ayaa waxaa weli ka jira dhibaatooyin daran oo dhinaca nolosha ah, iyadoo dad badan ay ku tabaaleysan yihiin qeybo ka mid ah dalka.

The post QM Oo sheegtay in gargaar ay u baahan yihiin Somali badan appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this