Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxii shirkadda DP World Ee dekedda Boosaaso Oo la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso ( SMN)-Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in saaka madaxii shirkadda DP World ee Dekedda Boosaaso lagu dilay magaaladaasi.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Paul Anthony Fermosa, una dhashay dalka Talyaaniga ayaa waxaa la sheegay in toogasho uu ku dilay nin iska soo dhigay Kalluumeysato.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada amigu ay isla goobta ku toogteen ninkii ka dambeeyay dilkaasi.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda dilkan, sida ay ku baahiyeen barahooda Interntet-ka.

Afhayeenka dhanka howlgallada Xarakada Al Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegay in ay ka dambeeyeen dilkaasi, waxaana uu tilmaamay in weerarkan uu qeyb ka yahay kuwo ka dhan ah shirkadaha shisheeye ee ka howgala Soomaaliya.

DP World oo ah shirkad laga leeyahay dakaImaaraadka Carabta ayaa 2017-kii la wareegtay Dekeddda Boosaaso ee gobolka Bari.

The post Madaxii shirkadda DP World Ee dekedda Boosaaso Oo la dilay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this