Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro:-Faah faahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay Xamar weyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo maanta ka dhacay degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir.

Gaariga ayaa la sheegay in uu ku qarxay afaafka hore ee Suuqa Muqdisho Mall oo ku yaalla degmadaasi.

In ka badan 10 Qof ayaa dhintay, halka ay dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay soo sheegayaan Wariyeyaal ka tirsan Shabelle oo ku sugan meesha ay wax ka dhaceen.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah Wariye Maxamed Ibraahim Biibaaye oo ka tirsan Warbaahinta dowladda.

Qaraxan waxa uu burburiyay dhismayaal ku yaalay goobtaasi oo weli laga baadi goobayo bal in ay dad ku hoos jiraan.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaais.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii qarax xoogan uu ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon ee M/Muqdisho, kaasoo ay sheegteen Al Shabaab.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

8-300x200.jpg 5-300x200.jpg

7-300x200.jpg12-300x200.jpg 2-300x200.jpg 9-300x200.jpg

The post Sawirro:-Faah faahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay Xamar weyne appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this