Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee u dhacay dilka madaxii dekadda Bosaaso ee shirkadda DP World?

Recommended Posts

Deeq A.   

PAUL.gif?resize=316%2C237&ssl=1Waxaa magaalada Bosaaso ee xarunta gobalka Bari lagu diley madaxii shirkadda P&O oo hoostagta shirkadda DP World u qaabilsanaa dekadda magaalada Bosaas oo lagu magacaabi jirey Paul Faramosa.

Dilka ayaa ka dhacay suuqa kaluunka ee magaalada Bosaaso ee loo yaqaan Neg-fish oo aan sidaa uga fogeyn dekadda kadib markii uu halkaas saakay tegey Paul Faramosa maadama uu taagnaa muran la xiriira goobtan ay kusoo xirtaan saxiimadaha kaluumaystadu.

Kaluumaysatada ayaa ka cabanaysay go’aamo ay soo saartay shirkadda DP World oo ahaa inay isaga guuraan goobtan, waxayna wararku sheegayaan inuu dilkan geystay nin dhalinyaro ah oo lagu sheegay inuu ahaa wiilasha kabaha caseeya, waxaana isla goobta ninkii dilka geystay ku toogtey ciidamada amaanka ee goobta ku sugnaa.

Paul oo kasoo jeeda Jasiiradda Malta ayaa ahaa madaxa DP World ee dekadda Bosaaso tan iyo Bishii Oktoobar 2017.

Isku soo wada duubo Dawlada Puntland ayaan illaa iminka ka hadlin dilkan, Waxaase durba sheegatay kooxda Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Sidee u dhacay dilka madaxii dekadda Bosaaso ee shirkadda DP World? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this