Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahin: in ka badan 10-ruux oo ku dhimatay qarax ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahin hordhac ah ayaa laga helayaa qasaaraha ka dhashay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho.

Qaraxaan ayaa waxaa uu ka dhacay xaruta Muqdisho Mall oo ah goobo laga tukaameeysto oo ku taalo degmada Xamar weyne ee Muqdisho.

Warar hordhac ah oo ka soo baxaya qaraxaasi iyo qasaarihiisa ayaa waxa ay sheegayaan in dad ka badan 10 ruux ay ku geeriyoodeen.

Dadkaan ayaa ku dhintay dhismo ku soo dumay oo ay ku jireen.

Qasaaraha ayaa intaasi ka badan sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoonaan karo oo aan ka heleeyno xarumaha caafimaas.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya wali kama hadlin qaraxaan saakay ka dhacay Muqdisho.

Halka qaraxa uu ka dhacay waxa ay aad ugu dhowdahay xarunta Dowlada Hoose iyo saldhiga degmada Xamar weyne .

FB_IMG_1549269198667.jpg?resize=576%2C43 FB_IMG_1549269201687.jpg?resize=720%2C40 FB_IMG_1549269208871.jpg?resize=720%2C40

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Faah faahin: in ka badan 10-ruux oo ku dhimatay qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this