Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaska hogaamiyaha Daacish ee Soomaaliya C/qaadir Muumin oo dacwad gudbisay

Recommended Posts

Deeq A.   

London (Caasimada Online)-Xaaska hogaamiyaha kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa dacwad ka gudbisay hay’adda sirdoonka dalka Ingiriiska ee MI6, sida lagu sheegay warbixin warbaahinta dalkaasi ay shaacisay.

Muna Cabdulle oo ah xaaska hogaamiyaha Daacish ee Soomaaiya C/qaadir Muumin, ayaa dacwadaasi ka gudbisay Hay’addaha sirdoonka dalka Ingiriiska, si magdhow looga siiyo bahdil ay sheegtay in lagu sameeyay.

Muna Cabdulle, ayaa sheegtay in sirdoonka dalka Ingiriiska ay jirdileen kadib markii ay ka laabatay Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in jirdilka uu ka dambeeyay markii lagu eedeeyay inay la kulantay seygeeda.

Haweeneyda ayaa dacwadda ka gudbisay hay’adda Sirdoonka ingiriiska, iyada oo sheegtay inay koronto u adeegsadeen markii ay dalkaasi ku laabatay, iyada oo loo heysto inay la kulantay hogaamiyaha Daacish ee Soomaaliya.

Haddii ay Muna ku guuleysato dacwadda ay ka gudbisay Hay’adda sirdoonka UK waxay heli doontaa magdhow lacageed oo gaareysan Hal Miylan oo lacagta Ingiriiska ah, sida warbixinta lagu sheegay.

Xaaska hogaamiyaha kooxda Daacish ayaa ku nool dalka Ingiriiska, waxaana C/qaadir Muumin oo heysta dhalashada Sweden loo diiday inuu tago dalkaasi, kadib markii la ogaaday inuu xiriir la lahaa xubno kooxda ka tirsan.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this