Sign in to follow this  
Deeq A.

Masuul ka tirsan Shirkadda DP World oo lagu dilay magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil saaka ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaasi oo lala eegtay masuul ka tirsan shirkadda DP World.

Wararka soo baxaya ayaa isa soo taraya, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Paul Anthony Farmosa lagu dilay xafiiskiisa uu ku yaala magaalada Boosaaso, waxaana la sheegayaa in la toogtay ruuxii dilay Paul.

Wararka kale ayaa sheegaya in madaxii shirkadda DP World ee dhanka ganacsiga lagu dilay agagaarka dekada magaalada Boosaaso, waxaana la ogeyn sababta arinta ka dambeysay.

Shirkadda DP World ayaa muddo 30 sano ah loo saxiixay kadib heshiis dhexmaray shirkadda iyo maamulkii madaxweyne Gaas, waxaana kadib xigtay in baarlamaanka Soomaaliya ay shirkadaasi ka mamnuuceen guud ahaan dalka.

Ciidamada amaanka ee Boosaaso ayaa baaritaan ka wada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxaana aamaha amaanka ay doonayaan inay xog dheeri ah ka helaan sida dilka uu ku dhacay.

Paul, ayaa u geeriyooday dhaawac soo gaaray, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in ruuxa toogtay uu isku ekeysiiyay kaluumeysatada magaalada Boosaaso, kaasi oo ka carooday go’aan kasoo baxay Paul Anthony Farmosa.

Dhaawac ayaa la sheegay dhankiisa inuu gaaray ruuxa toogashada sameeyay, waxaana socda baaritaanka hay’addaha amaanka ay ku hayaan ruuxa dilka geystay.

la soco waxii kasoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Bari
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this