Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo war kasoo saaray dilkii ka dhacay magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa war kasoo saaray dil ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxaana Al SHabaab ay shaaciyeen in guutada ay ugu magacdareen Iqtiyaalaatka ay ka dambeeyeen dilka ka dhacay magaalada Boosaaso.

Afhayeenka Al Shabaab ee dhanka Howlgalada Abuu Muscab ayaa sheegay in howlgal qorsheysan ay ku dileen Paul anthony Fermosa oo ahaa agaasimaha shirkadda DP World ee magaalada Boosaaso.

Afhayeenka ayaa sheegay in dilkaasi uu qeyb ka ahaa beegsiga ay ku hayaan kooxaha uu ugu yeeray ajaaniib calooshood u shaqeystayaal ah oo ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, kadib wareysi uu siiyay idaacada ku hadasha Afka Al Shabaab.

Wuxuu Abuu Muscab sidoo sheegay in marar badan ay digniin u jeediyeen shirado uu sheegay inay boob ku hayaan dhulka iyo Kheyraadka Soomaaliya.

Paul anthony Fermosa oo ahaa agaasimaha shirkadda DP World ee Boosaaso ayaa saaka lagu dilay magaalada Boosaaso, mana jiro wax war ah oo wali kasoo baxay dhanka maamulka Puntland.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ruuxa dilay la dhigay isbitaalka magaalada, kadib markii isna ciidamada amaanka ay dhaawaceen.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this