Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Waare ma wuxuu bixin doonaa lacagta Xildhibaanada mase wuu qancin doonaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online)-Xiisadii ugu adkeyd ee u dhaxeysa xildhibaanada Hirshabeele iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ka taagan magaalada Jowhar, kadib markii xildhibaanada wax mushaaraad ah aysan qaadan bilooyin badan.

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa labo maalin ka hor ku hanjabay in muddo todobaad gudahii haddii uu madaxweyne Waare ku hor imaan baarlamaanka inay talaabo ka qaadi doonaan.

Sidoo kale xildhibaanada waxay dalbadeen in madaxweyne ku xigeenka uu hor yimaado baarlamaanka si wax looga weydiiyo lacago badan oo ka maqan xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Isaga oo ka jawaabaya ayuu madaxweyne Waare ka duulay magaalada Muqdisho, isaga oo tagay magaalada Jowhar, waxaana ilaa xalay kulamo kala duwan uu la qaadanayay xildhibaanada Hirshabeelle.

Wararka xildhibaanada qaar ay inoo sheegeen ayaa sheegaya in mushaaraadka xildhibaanada ay ku dhici jireen gacanta masuuliyiinta ugu sareyso maamulka Hirshabeelle, balse si joogto ah loo bixin jiray.

Dowladda Soomaaliya ayaa bil walbaa lacag gaareysa 150 kun oo doolar ku taageerta maamul goboleedyada dalka, waxaana Hirshabeelle oo horey u taageertay dowladda Soomaaliya ay kamid aheyd maamulada la siinayay lacagtaasi.

Madaxweye ayaanan la ogeyn inuu fasixi doono lacagaha ka maqan xildhibaanada baarlamaanka oo qaarkood lagu qanciyay inay kamid noqdaan golaha wasiirada maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this