Sign in to follow this  
Deeq A.

3 qodob oo muujinayo halista uu Shiinaha ku yahay Kalluumeysiga Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan Shatiga Kalluumeysiga siisay shirkado laga leeyahay dalka Shiinaha.

Waxaan rabaa inaan warbixintaan kusoo koobo qodobo muujinayo halista uu Chiinaha ku yahay dalka Soomaaliya.

  • Kenya oo ah dal leh ciidan badeed xoogan,kuna filan ilaalada badiisa ayaa u diiday shırkadaha china ruqsada kaluumaysiga, sidoo kale dowladda Ghana ayaa ruqsadi kaluumaysiga kala noqotay shirkaddo Chines ah kadib gabaabsi ku yimid kaluunka wadankaas.
  • Dhanka kale waddanka Madagascar oo ah dal yar oo dhaca Bariga Afrika ayaa heshiis maalgashi la galay waddanka china, heshiiska oo ku kacayo 2.7 bilyan Dollar ayaa u ogolaanayo 330 maraakiib kaluumaysi oo ay china leedahay inay ka kaluumeystaan badda madagaskar,waxaana kahoryimid heshiiska bulshada wadankaas,laakiin dowladda Madagascar ayaa usheegtay dadkeeda ineey abuuri doonto 10,000 oo shaqo, kaabayaasha dhaqaale ee wadankana ay wax kaqaban doonto, balse bulshada waddankaas kunool weey ka biyadiideen, waxeeyna kutilmaameen heshiiska mid aan dalka dan ugu jirin.
  • Sidoo kale Qaramada Midoobey ayaa ku’eedeeysay dowladda China in si xad dhaaf ah uga kaluumeesteen Baddaha Waqooyiga Afrika,waxeeyna sheegeen in qiyaas ahaan maraakiibta China ay dabteen kalluun gaaraya 4.1 milyan tones, una dhigmo lacag ahaan 11.5 bilyan dollar.

Iyadoo aduunka sidaas looga qayliyay kaluumaysiga xad dhaafka ah ee china baa dowladdeena Soomaaliya waxeey shatiga kaluumaysiga ugu jartay shirkaddo laga leeyahay china lacag lagu qiyaasay hal milyan oo dollar.

Waxaan la yaabanahay doqonimadda kuwa siyaasiyiinta noo ah, oo xitaa garan waayay in hadii ay ruqsad siinayaan dowlad chine camal ah, in ugu yaraan lacag fiican ka qaataan ama ay la galaan heshiiyo faa’ido u leh dalka.

Sidoo kale waxaa ig yaabiyay in shacabka Soomaliyeed oo ah dhibnaha waxa ay falaan siyaasiyiintaan danleeyda ah ay mar walbo u taaganyihiin difaaca midkaas dhiigooda jiqaya, war intaan reer hebel iyo reer hebel isku fiirinayno bey siyaasiyiintaan manaxayaash ah garaadkooduna yahay Maantay maxaan helaa xaraashi wax walbo oo aan leheen.

”ilaahoow na dil oo hana doorin ”.

ficilada ay maanta sameenayaan siyaasiyiinta danleeyda ah waa wixii ay awoowayasheen ka dagaalameen oo ay dhiigooda u daadiyeen.

W/Q. Abdikarim Abdullah
Email: waweyneyare@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this