Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Daacish oo lagu qabtay magaalada Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay magaalada Beledweyne ku qabteen dhalinyaro la tuhmay inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish ee ka dagaalanka Soomaaliya.

Baaritaanka ciidamada ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Beledweyne ayaa la sheegay inay ku qabteen ilaa 20 ruux oo laga shakiyay, waxaana baaritaan ka dib la reebay xubnaha tuhun weyn uu ku jiray.

Laamaha amaanka ee gobolka Hiiraan ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan baaritaanka ay ku qabteen dhalinyarada lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish ee ka dagaalanka Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha la qabtay ay ku sugnaayeen qaarkood xarumo ganacsi oo ku yaala magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Qaar kamid ah dhalinyarada baaritaanka lagu qabtay ayaa lasii daayay kadib baaritaano dheeri ah oo lagu sameeyay, waxaana la sheegay in la ogaaday inaysan xiriir la laheyn Al Shabaab iyo Daacish.

Maamulka Hirshabeelle ayaa maalmo ka hor shaaciyay inay qaadi doonaan howlgalo ka dhan ah Al Shabaab iyo Daacish.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this