Sign in to follow this  
Deeq A.

War degdeg ah: Madaxii shirkada DPWorld Oo toogasho lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulka Puntland ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi lagu dilay Madaxii shirkada laga leeyaha Imaaraadka Carabta ee DP World.

IMG-20190204-WA0000.jpg

Paul Anthony Fermosa oo ahaa madaxa Shirkadda PD World iyo P&O, ayaa lagu toogtay gudaha Dekadda magaalada Boosaaso, waxaana wararku sheegayaan in uu toogtay nin hubeesan .

Madaxa Shirkada DP World oo dhaawac ahaan loo geeyay Isbitaal kuyaala magaalada Boosaaso ayaa markii dambe geeriyooday, waxaana la sheegay masuulkan katirsanaa Shirkada DP World in dhowr xabadood lagu dhuftay.

Ciidamada ilaalada Dekadda Boosaaso ayaa dhaawacay gacantana ku dhigay ninkii ka dambeeyay dilka Paul Anthony Fermosa, walina lama oga waxa dhaliyay dilkan iyo ninka dilka geestay waxa uu ahaa.

Shirkada DP World ee ka shaqeesa maamulida Dekaddaha ayaa lagu wareejiyay dekadda magaalada Boosaaso, kadib markii ay heshiis la gashay maamulka Puntland, waxa ayna dekadda ku howlaneyd balaarinta dekadda Boosaaso.

Source Allbanaadir

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this