Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Ingiriiska Iyo Shirkadda SKA Oo Ka Hadlay Muwaadinka U Dhashay Dalka Ingiriiska Oo Ku Xidhan Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenad u hadashay Xafiiska Arrimaha Dibedda ee dalka Britain ayaa xaqiijisya inay xidhiidh la sameeyeen Qoyska Ninka Britishka ee ku xidhan Muqdisho, kaasi oo lagu magacaabo Antooni Tomaas.

A-British-ex-soldier-2-1.jpg

Afhayeenadda oo la hadashay Wargeyska The Sun ee ka soo baxa magaalladda London waxay xustay inay si dhow ula socdaan xaalladiisa.

Antooni Toomaas oo 48 jir ah waxaa dhawaan lagu dhaawacday Maxaabiis ka tirsan Kooxda Daacish oo ku xiran Xabsiga Dhexe ee Muqdisho.

Warar ayaa sheegaya in Sarkaalkaasi u dhashay Britain sababo dhinaca Ammaanka loogu soo wareejiyey Xabsi ku dhex yaalla Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen Ilo dhinaca Ammaanka.

Dhinaca kale, Shirkadda SKA International ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo horey gacanta ugu haysay Garoonka Aadan Cadde ayaa xaqiijisay inuu Sarkaalkaasi horey uga tirsanaa Shaqaalahooda dhinaca Ammaanka, balse uu shaqada ka tegay bishii hore ee Janaayo 5-da, oo ku beegan 2 isbuuc ka hor inta aan Sarkaalkaasi, Antoni Tomaas lagu xirin Garoonka Aadan Cadde.

Saraakiisha Hay’addaha Ammaanka ayaa sheegay inuu Ninkaasi watay qalab khatar gelin kara Deganaanshaha Guud, waxaana xilligii la qabanayey doonayey inuu raaco Diyaaradda Ethiopian Airlines oo duullimaadkeedu ku sii jeeday caasimadda dalkaasi ee Addis Abeba.

Si kastaba ha ahaatee, ma kala cadda in Sarkaalkaas haysta dhalashadda dalalka Britain iyo Faransiiska ayaan la ogeyn in mar kale la soo maxkamadayn doono iyo in sababo dhinaca Diplomaasiyadda loo cafin doono.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this