Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaladda magaalada Jigjiga Oo saaka dagan

Recommended Posts

Deeq A.   

Jigjiga (SMN)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in saaka xaaladdu ay tahay mid dagan.

Xiisadihii ka jiray magaaladaasi ayaa lagu soo warramayaa in la xaliyay, kadib markii ay ka wadahadleen madaxda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweynaha ismaamulkaasi Mustafe Cagjar iyo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide oo isku hayay dhinaca maamulka ayaa ka heshiiyay khilaaf soo kala dhexgalay.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa qalalaase xoogan ay ka taagnaayeen gudaha magaalada Jigjiga, kadib markii ay isugu soo baxeen dad dibadbaxayaal ah.

The post Xaaladda magaalada Jigjiga Oo saaka dagan appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this